Sales Person

Hargeisa Meat Company
Hargeisa, Somalia
Business

Job Description

Vacancy announcement: Hargeisa Meat Company seeks a Sales Person for their operations in Hargeisa. The ideal candidate will have 2 - 3 years of professional experience in the Business field. Interested applicants should submit their applications before Jul, 29.

Sales (iibiye)

Goobta: Hargeisa

Hargeisa Meat Company waa shirkad casri ah oo ka shaqeysa soo saarista, diyaarinta, qaybinta, iyo iibinta hilib tayo sare leh iyo khudaar cusub, iyadoo u heellan inay bulshada u gaadhsiiso adeeg nadiif ah, ammaan ah, oo la isku halayn karo. Shirkaddu waxay isku darsataa khibrad, adeeg hufan, iyo nidaam shaqo oo casri ah si ay u xaqiijiso in macaamiishu helaan wax-soo-saar buuxiya heerarka ugu sarreeya ee tayada iyo nadaafadda.

Hargeisa Meat waxaa lagu aasaasay sannado badan oo waayo-aragnimo warshadeed ah, xirfad soo jireen ah, iyo faham qoto dheer oo ku saabsan suuqa hilibka ee deegaanka.

Fursad Shaqo – Sales (iibiye)

Hargeisa Meat waxay ku dhawaaqeysaa fursad shaqo oo bannaan oo ah Sales (iibiye). Waxaan raadineynaa gabadh karti leh, anshax wanaagsan leh, isla markaana leh xirfado isgaarsiin oo heer sare ah si ay uga mid noqoto kooxdayada.

Waajibaadka Shaqada

  • Soo dhaweynta iyo adeegga macaamiisha.
  • Soo bandhigista iyo sharaxaadda alaabta ama adeegyada.
  • Fulinta iyo kordhinta iibka.
  • Diyaarinta qaansheegyada (Invoices) iyo rasiidhada macmiisha.
  • La socodka kaydka alaabta iyo soo sheegidda waxyaabaha gabaabsiga ah.
  • Ilaalinta nadaafadda iyo habsami u socodka goobta iibka.
  • Diyaarinta warbixinaha iibka ee maalinlaha, toddobaadlaha ama billaha.

About Hargeisa

Hargeisa is the capital and largest city of Somaliland, serving as the region's main economic and administrative hub. The city is home to a growing number of international organizations, NGOs, and private sector companies, making it a key employment center in the Horn of Africa. Professionals relocating to Hargeisa will find a dynamic and rapidly developing urban environment.

Ereyada Soomaaliga (Somali Keywords): Shaqo Cusub • Shaqo Buuxda • Shaqo Hargeysa

Qualifications & Requirements

Shuruudaha Laga Rabo

  • Jinsi: Dheddig.(Female only )
  • Ugu yaraan shahaado Dugsi sare ama Jaamacad.
  • Khibrad: iibinta goobaha khudrada ah iyo hilibka ugu yaraan 2 sano.
  • Aqoon uleh isticmaalka Microsoft Office (Word, Excel, Outlook).
  • Xirfad sare oo isgaadhsiin af iyo qoraal ah (Somali iyo English).
  • Akhlaaq wanaagsan, iyo karti ay ku shaqayn karto jawi xirfadeed.
  • Da'da: 20 sano ama ka wayn,
  • Waxa aad soo dirtaa codsi shaqo (CV)
  • Nuqullo shahaadooyinka waxbarasho iyo khibradda hadii ad haysato.

How to Apply

  • Goobta Shaqada: Hargeisa, Somaliland
  • Taariikhda ugu dambeysa ee codsiga ( 29:07:2026 Arbaca 12:00PM)

Sidee loo Codsanayaa.

Dhamaan codsadayaashu waxa ay kuso dirayan :

Email:

hargeisameat@gmail.com" rel="noopener noreferrer" target="_blank">hargeisameat@gmail.com

Ama WhatsApp

+252 63 8880103 / +252 63 8880104

FG: Waxa ay gaar u tahay booskani gabdhaha oo kaliya (Female only )

Apply on

hargeisameat@gmail.com" rel="noopener noreferrer" target="_blank">hargeisameat@gmail.com

Job Details

Posted: July 20, 2026
Organization: Hargeisa Meat Company
Location: Hargeisa, Somalia
Sector: Business