BAAHINTA KAALMAHA SHAQO EE DERAJADA “B” EE HAY’ADDA SHAQAALAHA DAWLADDA

Somaliland Civil Service Commission
Somaliland, Somalia
Multiple Categories

Job Description

A new full time opportunity for a BAAHINTA KAALMAHA SHAQO EE DERAJADA “B” EE HAY’ADDA SHAQAALAHA DAWLADDA has been announced by Somaliland Civil Service Commission in Somaliland. The role requires a skilled individual with 2 - 3 years of experience in Multiple Categories or a related field. This position closes on Sep, 10. Apply now to be considered.

BAAHINTA KAALMAHA SHAQO EE DERAJADA “B”

FAAHFAAHIN KOOBAN

Nooca Tartanka: Tartan Furan oo Ku Dhisan Mudnaanta Aqoonta, Xirfadda iyo Khibradda

(Merit-Based Competitive Recruitment)

Kaalinta Shaqo ee la codsanyo Darajada: “B”

Habka Codsiga: Waxaad ka soo codsan doontaa barta Internet ee linkiga hoose (Online

Recruitment Portal)

Xilliga Kama Dambaysta ah (deadline): 10 September 2026, 5:00 pm,

HORDHAC

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland waxaa la aas-aasay sannadkii 1993, iyada oo

waajibaadkeedu shaqo uu salka ku hayo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Waajibaadka

Hay’adda Shaqaalaha Dawladda waxaa saldhig u ah Qodobka 35aad, Farqaddiisa 2aad ee Dastuurka

Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeerka Shaqaalaha Dawladda, Xeer Lr. 97/2022.

Hay’addu waxay u xilsaaran tahay dhismaha, tayaynta, tababarka, daryeelka iyo dabagalka

shaqaalaha dawladda, si loo helo cudud shaqaale oo leh tayo sare, aqoon deegaamaysan, xirfad iyo

karti, una horseedda hufnaan iyo horumarrinta adeeg bixinta Dawladda Jamhuuriyadda

Somaliland.

Shaqaalaha dawladdu waa laf-dhabarka bixinta adeegyada aasaasiga ah ee guud ee wasaaradaha

iyo hay’adaha dawladdu ay siiyaan muwadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland, sidaas darteed

Hay’addu waxay masuul ka tahay xaqiijinta in maamulka cududda shaqaalaha lagu saleeyo

mudnaan, karti, xirfad, hufnaan, caddaalad iyo isla-xisaabtan.

Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu iyada oo fulinaysa Xeerka Shaqaalaha Xeer, no 2022/97, gaar

qodobadiisa 30naad, 31naad, 32naad iyo 33naad ayey go’aansatay in shaqo qorista shaqaalaha dawladda

lagu saleeyo tartan caddaalad ah iyada oo ay u wada siman yihiin dhammaan muwaadiniinta reer

Somaliland.

Iyadoo taas laga duulayo, waxa ay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ku dhawaaqaysaa tartan furan

oo lagu buuxinayo kaalmaha shaqo ee darajada “B” ee ka bannaan Wasaaraddaha iyo Hay’addaha

Dawladda.

Ujeeddada tartanka ayaa ah in la helo tartamayaal leh aqoon, xirfad, khibrad iyo karti ku habboon

jagooyinka loo tartamayo. Tartamayaashu waxay ku kala guulaysan donaan qaabka iyo sida ay

uga soo baxaan shuruudaha looga baahan yahay marka ay shaqada soo codsanayaan iyo derajada

ay imtixaanka qoraalka ah ka keenaan ee Jamacadaha Dawliga ahi ku qaban donaan Gobol kasta.

Geeddi-socodka iyo nidaamka tartanku waa mid daahfuran, hufan, caddaalad ah, mudnaan-kusalaysan (Merit-Based) oo fursad siman siinaya dhammaan tartamayaasha muwaadiniinta ah ee

reer Somaliland.

UJEEDDADA BAAHINTA KAALMAHA SHAQO

  1. In la helo tartamayaal u qalma Kaalmaha shaqo ee Darajada “B”.
  2. In la xaqiijiyo in shaqaalaha lagu xulayo nidaam ku dhisan mudnaan, karti iyo aqoon.

In la helo shaqaale leh xirfado iyo khibrad ku habboon baahiyaha Hay’adaha,

Wasaaraddaha iyo Wakaaladaha Dawladda.

  1. In la hirgaliyo xeerarka iyo siyaasadda u dejisan Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.
  2. In Shaqaalaha Dawladda ay ka mid noqdaan dhallinyarada Somaliland ee leh aqoon sare,

xirfad sare iyo hufnaan sare.

  1. In la xaqiijiyo hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo in fursado siman loogu tartami karo.
  2. In codsiyada shaqada lagu maareeyo nidaam casri ah oo Online Recruitment Portal ah

About Somaliland

Somaliland is a self-declared republic in the Horn of Africa with a relatively stable political environment and growing economy. Employment opportunities are concentrated in the main cities of Hargeisa, Burao, and Berbera, spanning government, NGOs, telecoms, and the private sector.

Ereyada Soomaaliga (Somali Keywords): Shaqo Cusub • Shaqo Buuxda

Qualifications & Requirements

SHURUUDAHA GUUD EE LAGA RABO TARTAMAYAASHA DARAJADDA ‘B’

(QUALIFICATIONS AND SKILLS)

Qofka doonaya inuu u tartamo boosaska shaqo ee Darajada “B” waa inuu buuxiyaa

shuruudahan hoos ku xusan;

  1. Inuu yahay/tahay Muwaadin Reer Somaliland ah.
  2. Waa in uu haysta/haysataa Shahaadada dugsiga sare ama Shahaadada dugsiga farsamada

gacanta.

Waa in ay/in uu ku baasay imtixaanka Dugsiga Sare ama ka Farsamada Gacanta

Darajooyinka ‘A, B ama C.

  1. Waa in uu ka qaatay kaadhka dhalashada Gobolka uu ka tartamayo/tartamayso.
  2. Waa in uu leeyahay khibrad shaqo oo ugu yaraan laba sanno ah (2 years).

Waa in uu soo gudbiyaa dhiganihiisa/ dhiganaheeda (CV-ga) oo uu ku xusan yahay

khibradaha Shaqo iyo Waxbarasho.

Waa in Codsiga uu la socdaa ugu yaraan 3 qof oo tixraac kuu ah (references)

How to Apply

HABKA LOO DALBANAYO (HOW TO APPLY)

Qof kasta oo buuxiyey shuuradaha sare ku xusan, waxa uu bookhanayaa barta Hay’adda

Shaqaalaha ee Shaqooyinka lagu cosado oo ah;

https: //cscjobs.org/

Qof kasta oo codsanaya shaqada deraja “B” waxaa looga baahan yahay;

  • Warqada Codsiga Shaqada kuna cad yahay kaalinta shaqo ee uu codsanayo/codsanayso
  • Soo gudbiyaa dhiganihiisa/dhiganheeda (CV-ga) oo leh saddex tixraac (three references)
  • Shahaada Dugsiga sare oo la aqoonsan yahay ama Shahaadada dugsiga farsamada

gacanta.

  • Kaadhka Aqoonsiga -National ID
  • Sawir kur ah oo uu galay/ama ay gashay lixdii bilood ee u danbaysay.

XILLIGA KAMA DAMBAYSTA AH

Dhammaan tartamayaasha danaynaya jagooyinkan shaqo waxaa lagu wargelinayaa inay

codsiyadooda ku soo gudbiyaan Portal-ka online ah ee https://Cscjobs.org ugu dambayn 10-ka

September 2026, 5pm.

Codsiyada la soo gudbiyo ka dib marka uu dhaco waq<ga kama dambaysta ah lama ;xgelin doono

lamana furi doono.

Ka codso fursadan shaqo barta internet-ka ee.

https: //Cscjobs.org

Apply on employer site

Apply at: https://Cscjobs.org

Job Details

Posted: September 5, 2026
Organization: Somaliland Civil Service Commission
Location: Somaliland, Somalia
Sector: Multiple Categories