Somaliland Civil Service Commission has announced a full time opening for the role of BAAHINTA KAALMAHA SHAQO EE DARAJADA “A” EE HAY’ADDA SHAQAALAHA DAWLADDA in Somaliland. Candidates should bring 3 - 4 years of hands-on experience, preferably in the Multiple Categories sector. The application deadline is Sep, 10 — early applications are encouraged.
HAY’ADDA SHAQAALAHA DAWLADDA
BAAHINTA KAALMAHA SHAQO EE DARAJADA “A”
FAAHFAAHIN KOOBAN
Nooca Tartanka: Tartan Furan oo Ku Dhisan Mudnaanta Aqoonta, Xirfadda iyo Khibradda
(Merit-Based Competitive Recruitment)
Kaalinta Shaqo ee la codsanyo Darajada: “A”
Habka Codsiga: Waxaad ka soo codsan doontaa barta Internet ee linkiga hoose (Online
Recruitment Portal))
Xilliga Kama Dambaysta ah (deadline): 10 September 2026, 5:00 pm,
HORDHAC
Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland waxaa la aas-aasay sannadkii 1993, iyada oo
waajibaadkeedu shaqo uu salka ku hayo Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland. Waajibaadka
Hay’adda Shaqaalaha Dawladda waxaa saldhig u ah Qodobka 35aad, Farqaddiisa 2aad ee Dastuurka
Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeerka Shaqaalaha Dawladda, Xeer Lr. 97/2022.
Hay’addu waxay u xilsaaran tahay dhismaha, tayaynta, tababarka, daryeelka iyo dabagalka
shaqaalaha dawladda, si loo helo cudud shaqaale oo leh tayo sare, aqoon deegaamaysan, xirfad iyo
karti, una horseedda hufnaan iyo horumarrinta adeeg bixinta Dawladda Jamhuuriyadda
Somaliland.
Shaqaalaha dawladdu waa laf-dhabarka bixinta adeegyada aasaasiga ah ee guud ee wasaaradaha
iyo hay’adaha dawladdu ay siiyaan muwadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland, sidaas darteed
Hay’addu waxay masuul ka tahay xaqiijinta in maamulka cududda shaqaalaha lagu saleeyo
mudnaan, karti, xirfad, hufnaan, caddaalad iyo isla-xisaabtan.
Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu iyada oo fulinaysa Xeerka Shaqaalaha Xeer, no 2022/97, gaar
qodobadiisa 30naad, 31naad, 32naad iyo 33naad ayey go’aansatay in shaqo qorista shaqaalaha dawladda
lagu saleeyo tartan caddaalad ah iyada oo ay u wada siman yihiin dhammaan muwaadiniinta reer
Somaliland.
Iyadoo taas laga duulayo, waxa ay Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu ku dhawaaqaysaa tartan furan
oo lagu buuxinayo kaalmaha shaqo ee darajada “A” ee ka bannaan Wasaaraddaha iyo Hay’addaha
Dawladda.
Ujeeddada tartanka ayaa ah in la helo tartamayaal leh aqoon, xirfad, khibrad iyo karti ku habboon
jagooyinka loo tartamayo. Tartamayaashu waxay ku kala guulaysan donaan qaabka iyo sida ay
uga soo baxaan shuruudaha looga baahan yahay marka ay shaqada soo codsanayaan iyo derajada
ay imtixaanka qoraalka ah ka keenaan ee Jamacadaha Dawliga ahi ku qaban donaan Gobol kasta.
Geeddi-socodka iyo nidaamka tartanku waa mid daahfuran, hufan, caddaalad ah, mudnaan-kusalaysan (Merit-Based) oo fursad siman siinaya dhammaan tartamayaasha muwaadiniinta ah ee
reer Somaliland.
UJEEDDADA BAAHINTA KAALMAHA SHAQO
- In la helo tartamayaal u qalma Kaalmaha shaqo ee Darajada “A”.
- In la xaqiijiyo in shaqaalaha lagu xulayo nidaam ku dhisan mudnaan, karti iyo aqoon.
In la helo shaqaale leh xirfado iyo khibrad ku habboon baahiyaha Hay’adaha,
Wasaaraddaha iyo Wakaaladaha Dawladda.
- In la hirgaliyo xeerarka iyo siyaasadda u dejisan Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.
- In Shaqaalaha Dawladda ay ka mid noqdaan dhallinyarada Somaliland ee leh aqoon sare,
xirfad sare iyo hufnaan sare.
- In la xaqiijiyo hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo in fursado siman loogu tartami karo.
- In codsiyada shaqada lagu maareeyo nidaam casri ah oo Online Recruitment Portal ah.
About Somaliland
Somaliland is a self-declared republic in the Horn of Africa with a relatively stable political environment and growing economy. Employment opportunities are concentrated in the main cities of Hargeisa, Burao, and Berbera, spanning government, NGOs, telecoms, and the private sector.
Ereyada Soomaaliga (Somali Keywords): Shaqo Cusub • Shaqo Buuxda